Miyuu kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson taam u yahay kulanka Southampton?

25 total views, 3 views today

Kabtanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jordan Henderson ayaa shaaca ka qaaday inuu nafsad ahaantiisa taam buuxa u yahay kulanka Premier League ee ay Sabtida la ciyaari doonaan naadiga Southampton.

Xiddigan khadka dhexe ayaa seegay kulankii ay 4-1 guusha kaga gaareen West Ham United ka hor ciyaarihii qaramada kaddib markii uu dhaawac bowdada ahi soo gaaray.

Sidoo kale Henderson waxa uu ka maqnaa kulamadii Saaxibtinnimo ee xulkiisa qaranka England uu la kala ciyaaray xulalka Germany iyo Brazil.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib markii uu Arbacadii ku soo laabtay tababarka buuxa ee naadiga Henderson ayaa hadda dareemaya inuu taam buuxa u yahay inuu wajaho Saints, iyadoo kooxdiisa Liverpool ay raadinayso guushii afaraad oo xiriir ah.

“Wanaag ayaan dareemayaa, anigu waan dhammaystay tababarkii koowaad Arbacadii, sidaa darteed waxaan ku rajo weynahay inaan ciyaari karo kulanka bilowga todobaadka.” ayuu Kabtan Henderson u sheegay Website-ka rasmiga ah ee kooxda.

Kooxda tababare Jurgen Klopp uu hoggaamiyo ee Liverpool ayaa ku jirta kaalinta shanaad ee kala horreynta horyaalka Premier League, waxaana ay saddex dhibcood ka dambeysaa booska looga qeyb galo Champions League ee afaraad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.