Milkiilayaasha Hotelada Dhuusamareeb oo amar lagu soo rogay( Maxay Tahay)

22 total views, 1 views today

Taliska Guud ee Ciidamada Booliska magaalada Dhuusa-mareeb ee xaruta Gobolka Galgaduud ayaa amar ku soo rogay Milkiilayaasha Hotelada ku yaalo magaaladaasi.

Ujeedka Amarkaan la dul dhigay Milkiilayaasha Hotelada Dhuusa-mareeb ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu xaqiijiayo amaanka .

Taliyaha Ciidamada Booliiska degmada Dhuusa Mareeb Gen, Cabdiwahaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim ayaa Milkiilayasha Hoteelada ku amray in ay diiwaangeliyaan dadka seexanaya hoteeladooda si loo hubiyo in uu yahay qof amniga wax u dhimaya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qofkii arka dad ay ka shakiyaan in ay ku soo wargeliyaan laamaha amniga si wax looga qabto.

Ugu dambeyn waxa uu sidoo kale ugu baaqay dad wata Gaadiidka Muraayadaha Madow ama Benzalka in ay Gawaaridooda ka fujiyaan isaga oo digniin u diray.

Magaalada Dhuusar-mareeb ayaa hadda si rasmi ah u noqotay xarunta maamulka Galmudug,maadama dhawaan ay heshiis wada gaareen Ahlu suna iyo Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.