Milatariga Soomaaliya oo sheegay iney duleedka Kismaayo ku duleen 16 Al-Shabaab ah.

998 total views, 1 views today

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa soo sheegaya in Ciidamada Soomaaliya iyo Al-shabaab ay ku dagaalameen duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni waxayna saraakiisha Soomaaliya ay sheegeyn iney dagaalkaasi ku duleen 16 dagaalame oo Al-shabaab ah sidoo kalane ay ku dhaawaceen tiro intaasi ka badan.

Ma jirto ilo ka madaxbanaan Saraakiisha Soomaaliya oo xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay balse dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in labada dhinac uu khasaare soo kala gaaray.

Al-Shabaab ayaanan weli ka hadlin dagaalkaan ka dhacay duleedka Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.