Messi Oo Sharaxay Sababta Barcelona U Xoogeysatay Markii Uu Dhaqaaqay Neymar…

22 total views, 1 views today

Xiddiga Barcelona Leo Messi Ayaa Qiray Inay Horumar Sameeyeen Tan Iyo Markii Uu Neymar Ka Tagay Kooxda Kuna Biiray PSG.

Neymar Ayaa Paris Saint-Germain U Dhaqaaqay Xagaagan, Waxaana La Filayay In Kooxda Ernesto Valverde U Dhibtooto Bixitaanka Xiddiga Brazil.

“Hadii Aan Weynay Neymar Weli Waxaa Nahay Kuwo Isku Dheelitiran,” Messi Ayaa Sidaasi Ku Sheegay Wareysi Uu Siiyay World Soccer.

“Hadda Waxaan Ku Duulaan Tagnaa Khadka Dhexe, Laakiin Markii Hore Waxaan Aheyn Kuwo Weerar Ah, Tani Waxa Ay Naga Dhigeysaa Uwa Adag Dhan Kasta Ayuu Yiri Messi.

Dad Badan Oo Kamid Ah Falanqeeyayaasha Ciyaaraha Ayaa Aaminsanaa In Bixitaanka Neymar Dhibaato Weyn Ku Noqon Karay Barcelona, Laakiin Blugrana Ayaa Kujirta Qaab Ciyaareedkii Ugu Fiicnaa.

Messi Ayaa Hogaaminaya Gooldhalinta La Liga Xili Barcelona Ay 16 Dhibcood Oo Nadiif Ah Ka Sareyso Kooxda Ay Xifaaltamaan Ee Real Madrid.