Maydadka 29 ruux oo la geeyay Isbitaal Madiina

20 total views, 1 views today

Maamulka Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, ayaa Saxaafadda u sheegay 29 ruux oo maydad ah in la geeyay Isbitaalka Madiina, kuwaasi oo ku dhintay qaraxyadii iyo Israsaaseyntii xalay ka dhacday magaalada.

Madaxa Caafimaadka Isbitaal Madiina C/qaadir Xuseen Maxamed ayaa u sheegay Warbaahinta in maydadka 29 qof oo laba ka mid ah ay Isbitaalka ku dhinteen la geeyay halka dhaawaca hadda ku jira uu gaarayo 11 Qof.

Wuxuu sheegay dadka qaarkood maydadkooda in la garan waayay oo ay gubteen, maadaama qaraxa gaariga uu si aad ah u saameeyay, islamarkaana rag iyo dumar waxa ay yihiin la kala saari waayay.

Maamulka Isbitaalka Madiina, ayaa sheegay in dadka dhaawacyada ah xaaladooda caafimaad ay la tacaalayaan, islamarkaana ay rajeynayaan inay soo caafimaadaan.

Maydka Isbitaalka la gaarsiiyay, ayaa qaarkood waxa ay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo Al Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Isbitaalka Madiina ayaa lagu arkayaa ehelada dadkii dhintay iyo kuwa dhaawaca ah oo Isbitaalka buux dhaafiyay.