Maxuu Salka Ku Hayaa Xiisada Siyaasadeed Ee U Dhaxeysa Somalia Iyo Imaaraatka

27 total views, 2 views today

In Mudda Ah, Waxaa Walaac Ka Taagnaa Xiriirka Dowladda Federalka Soomaaliya (DFS) Iyo Dowladda Imiraadka Carabta. Isafgaradwaagu Wuxuu Ka Sii Daray Markii Dowladdaha Sacuudiga, Imaraadka, Masaarida Iyo Baxreyn Ay Xiriirka Ganacsiga Iyo Diblomaasiga U Jareen Dalka Qadar.

Dowladahaas Oo Filayay Inay Taageero Ka Helidoonan Muqdisha, Ayay Fili Waa Ku Noqotay Mowqifka Dhex-Dhexaad Ah Ee Dowladda Federalka Soomaaliya. Sida Wargaysyada Carbeed Ay Qoreen, Waxay Isku Dayeen In Lacag Dhan $.80 Malyuun Lagu Bedelo Qoolka Hoggaamiyeyaasha Qaranka, Hase Yeshee, Soomaaliya Waxay Ku Adkeysatay Mowqifkeedii.

Imaraadku Wuxuu In Mudda Ah Ku Wajahayay Arrimaha Soomaaliya Dibin-Daabyo Iyo Colaad Hoose. Dubai Oo Daqligeedu Ku Dhisan Yahay Maamulka Dekeddaha, Adeega Banuugta, Dalxiiska Iyo Kirada Ayaa Isku Buuqday, Kadib Markii Tartan Kaga Furmay Hirgelinta Shiinaha “Dhaqaalaha Waddada Xariirta.” Beijing Waxay Si Xoog Leh U Maalgelisay Dekeddaha Qwadar (Bakistaan), Duqma (Cuman), Dooraale (Jabuuti), Iyo Lamu (Kenya) Oo Ka Sita Muhiimadda Dekeddaha Rashid Iyo Jabel-Cali Ee Dalka Imaraadka.

Dekadda Qwadar Oo Isku Xirta Khaliija, Shiinaha Iyo Bartamaha Aasiya, Waxay Beijing Gelisay Lacag Dhan $4.5 Bilyan. Si Dubai Ay U Dheeli Tirto Saameynta Dekeddahaas, Waxay Bilowday Siyaasad U Muuqata Boos Celis Oo Ay Ku Dabaqday Soomaaliya Iyo Yemen. Imaraadka Waxaa Damac Ka Hayaa Inay Quut-Digaag (Boqolaal Kun) Ku Hanto Dekedaha Berbera Iyo Boosaaso Oo Irid U Ah “Horn Of Africa.”

Soomaaliya Waxay Gashay Marxalad Cusub, Waxayna Dooneysaa Inay Xiriir Dan-Wadaag Ah Oo Ku Dhisan Ixtiraam Iyo Iskaashi Mid Ah La Yeelato Dunida Oo Dhan. Xeebaha Soomaaliya Waa Kuwo Muhiim Ah Oo Faa’iidooyin Badan U Leh Dhaqaalaha Adduunka. Bacdamaa, Badwaynta Hindiya Ay Maraan Boqolkii 66 Ganacsiga Shidaalka, Boqolkii 33 Shixnadaha Adduunka Iyo Boqolkii 50 Konteenarada. Intaas, Waxaa Dheer In Saaxilka Bada Hindiyana Hooy U Yahay In Ka Badan 2 Bilyan Oo Qof.

Shirkadda DP World Waxay Aragtay Soomaaliya Inay Leedahay Fursad Suura Gal Ah, Suuqyada Maalgelintana Lagu Hadal Hayo. Hase Yeeshee, Talo Waxay Faraha Ka Baxday Markii Dagaalka Yemen Uu Soo Afjarmi Waayey, Dekadaha Imaraadka Ku Haminayay Ee Cadan Iyo Mukalena Ay Muhiimad Beeleen.

Walwalku Wuxuu Sii Kordhay Markii Turkigu Maalgeliyay Tareenka Isku Xira Tansaniya, Uganda, Iyo Rwanda, Cadaatayna In Uusan Soomaaliya Meel Uga Socon. Weliba Arrinta Waxay Ka Dhabaqday Dubai Markii Dekadda Jabuuti Ay Carqalad Ka Gashay.

Shiinuhu Wuxuu Maalgelin Dhan $.590 Malyuun Ku Hirgeliyey Dekadda Dooraale, Ayadoo Uu Raaciyay Dhismo “Free Trade Zone” Oo Ku Fadhiya Masaafo Dhan 48.2 Square Kilomitir, Kunabaxday $.400 Malyuun, Si Loo Sahlo Ganacsiga Gobolka. Intaas Waxaa Wehliya, In Tareen Casri Ah Oo Isku Xira Jabuuti Iyo Addis Abeba Lagu Shubay Lacag Dhan $.4 Bilyan.

Mar Far Iyo Fandhaal Ay Kala Dhaceen Ayaa Safiirka Imaraadka Ee Fadhiya Muqdisha Soo Hordhigtay Villa Somalia Dhowr Qodob Oo Gogol Xaar U Ah Wax Wada Qabsiga Labada Dal. Qodobadaas Waxaa Ka Mid Ahaa:

  1. In Hoos Loo Dhigo Maqaamka Safaaradda Turkiga;
  2. In La Yareeyo Ergada Safaaradda Qadar;
  3. In Heshiiska Dekedda Berbera Sidiisa Lagu Ogolaado. Saamigana Loo Qaybsado Boqolkii 65 Dubai, Boqolkii 20 Ethiobia, Boqolkii 15 Soomaalida;
  4. In Shirkadda Talyaaniga Ee ENI Loo Xaqiiqiyo Inay Howsha Bada Sii Wadandoonto Haddii Soomaalida Ay Ku Guulaysato Dacwada (Weli Go’aanka Maxkamadda Ma Soo Bixin Xiligaas).

Villa Somalia Waxay Kaga Jawaabtay Sida Tan:

  1. In Doorka Safaaradda Imaraadka Lala Simo Kan Turkiga, Bacdamaa Maqaamka Turkiga Uu Ku Yimid Rabitaanka Shacbiga;
  2. In Aan Waxba Laga Bedeli Karin Ergeda Qadar, Maadama Ay Ka Yar Yihiin 6 Qofood;
  3. In Saamiga Dekedda Loo Qaybsado Sida Soo Socoto: Boqolkii 55 Dubai, Boqolkii 25 Soomaalida, Haraagana (20%) Ethiobia.
  4. In Shirkadda Talyaaniga Ay Qoraal Ku Soo Codsato Cafinta*.

*(Si Sharci Darro Ah Ayaa Kenya 2012kii Fasax Uu Siisay 4 Shirkadood Oo Mid Tahay Talyaani Si Shidaal Ay Uga Baaraan Aag-Badeedka Soomaaliya. ENI Energy Marka Ay Ka Dhega Adkeesatay Amarka Joojinta Baarista Ayaa Xeer-Ilaaliyaha Ku Wargeliyay In Ijaar Uu Ku Socdo. Wada Hadalada Safiirka Waxaa Ka Soo Baxay In Imaraadka Maalgashtay Boqolkii 40 Howsha ENI Energy).

Inkastoo Aysan Kala Maarmin Dadka Soomaalida Iyo Kuwa Imaraadka, Haddana Xiriirka Labada Dal Waa Inuu Ku Salaysan Yahay Mabaadi’da Asaasiga Ah Ee Ixtiraamka Iyo Iskaashika Wax-Tarka U Leh Labada Dhinac. Soomaaliya Waxay Ka Biyo Diidsan Tahay Dhaqanka Qoor-Qabadka Ah, Xad-Gudubka Joogtada Ah, Fara Gelinta Qaawan Iyo Istaraatiijiyad Boos-Celiska Ee Lagu Hayo Dalka .

Soomaaliya Waa Dal Xur U Ah Masiirka Dadkeeda, Siyaasadeeda – Dhaqaale Iyo Bulsho, Diyaarna U Ma Aha Inay Dayacdo Danteeda. Haddii Shalay Maalgelinta Dhaqaalaha Marti Loogu Ahaa Bariga-Dhexe, Maanta Waxaa Muuqata In Bariga-Fog Hoggaanka La Wareegay.

Si Looga Faa’iidaysto Saaxiibtinimada Qotada Dheer Leh, Loona Hormariyo Xiriirka Dhaqaalaha, Ganacsiga Iyo Maalgelinta Tooska Ah Waa In Labada Dal Ay Ka Gudubaan Iska Soo Horjeeda Xun, Si Kor Loogu Qaado Kalsoonida Labada Dhinac. Haddaba, Haddii Imaraaku Uu U Arkayo Soomaaliya Fursad Dhaqaale Oo Muhiim Ah, Waa Inuu La Yimaad Ficil Wanaagsan Oo Dhab Ah Iyo Maalgelin Lixaad Leh Si Uu Ula Tartamo Dalalka Daneynaya Maalgashiga Iyo La Ganacsiga Soomaaliya.

W/ Q Cabdulqadir Cariif

Waa dhaqaaleyahan xiiseynaya dhaqaalaha Afrika, kuna takhasusay maamulka iyo maaraynta ganacsiga Caalamka. Xilal ka soo qabtay Bankiga Dhexe, warshadaha yar-yar, ganacsiga iyo hay’addaha samafalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.