Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo xafiis ka furaneysa Gaalkacyo

19 total views, 1 views today

Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in gobolka Mudug gaar ahaan Magaaladaa Gaalkacyo laga hirgalinayo xafiiska Maxkamada Darjada koowaad ee ciidamada qalabka

Xafiiskan ayuu sheegay inuu la shaqeyn doono ciidamada xasilinta ee dhawaan laga hirgaliyay Magaalada Gaalkacyo iyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee halkaas ku sugan.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa shaqada adag ee aad qabateen idinka oo aan helin wixii xuquuq aad u baahneydeen halkan waxaan u imaanay inaan ka hirgelino xafiiska Maxkamada ciidamda qalabka sida si ay ula shaqeyso urur ciidamada xasilinta ee Magaalada ka howlgalaya iyo kuwa XDS” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada Liibaan Cali Yarow ayaa ka mid ah wafdi uu horkacayo taliyaha ciidanka XDS Jen. Gorod oo haatan howlo shaqo u jooga Magaalada Gaalkacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.