Maxay tahay sababta 88 maalmood Taliyeyaal loogu magacaabi la’yahay Booliska iyo NISA ?

14 total views, 1 views today

Madaxda Dowladda Soomaaliya Ayaa Illaa Iyo Hada Soo Magacaabi La’ Taliyeyaasha Booliska Iyo Nabadsugida, Iyadoo 29-Kii Bishii October Ee Sanadkii Hore Xilalkaas Laga Qaaday C/Xakiim Daahir Saacid Iyo C/Llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

88 Maalin Ayaa Laga Joogaa Ilaa Iyo Hadda Mudada Ay Banaan Yihiin Xilalkaasi Oo Ku Simayaal Ay Sii Hayaan, Waxaana Muuqda Caga Jiidweyn Oo Dowladdu Ay Ku Dhiiran La’dahay Inay Magacaawdo, Iyadoo Madaxda Ay Ku Kala Aragti Duwan Yihiin Cidda Loo Dhiibayo Oo Mid Kasta Uu Wato Qof Uu Isagu Aaminsan Yahay Inuu Daacad U Yahay.

Wasaaradda Amniga Gudaha Oo Xilalka Taliyeyaasha Ay Hoos-Yimaadaan Ayaa Ku Guuldareysatay Inay Soo Gudbiso Qorshe Ama Soo Jeedin Ay Ku Dalbanayso In La Buuxiyo Boosaskaas Banaan, Iyadooo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Laga Soo Xigtay In Kheyre Qabo In Aanay U Muuqan Baahi Loo Qabo Magacaabistooda.

Dhowr Jeer Oo Hore Ayaa Waxaa Soo Baxayay Shaqsiyaad Loo Waday Xilalka Taliyeyaasha Banaan, Hase Ahaatee Waxaa Jiray Doodo La Xiriiray Sida La Isugu Waafajin Karo Qaabka Awood Qeybsiga Iyo Beelo Qaar Oo Xusul Duub Uga Jiray Labada Jago.

Saraakiisha Labadaas Hay’adood Ayaa La Yaaban Sababta Mudada Intaas La Eg Ay Uga Leex Leexanayaan Madaxda Dowladda Inay Soo Magacaabaan Taliyayaal Cusub Oo Bedela Saacid Iyo Sanbaloolshe, Iyaga Oo Ka Digay Qatarta Ka Imaan Karta Boosaskaas Banaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.