Maxay Jose Mourinho Kaga Dhigan Tahay Soo Laabashada Paul Pogba Oo Guul Raaxo Leh Ku Hogaamiyay Red Devils…

23 total views, 2 views today

Jose Mourinho ayaa amaanay Paul Pogba ka dib markii xiddiga khadka dhexe ee Manchester United uu bandhig fiican ka muujiyay kulankii Newcastle United.

Markii ugu horeysay ee uu ciyaaro sagaal isbuuc ka dib, xiddiga reer France a ayaa si wacan ula bilaawday kooxdiisa Red Devils.

Pogba ayaa ka caawiyay United inay barbareyso ciyaarta ka dib markii uu dhiibay goolka koowaad ee Manchester United kaasoo uu dhaliyay saxiibkiisa xulka qaranka France Anthony Martial.

Manchester United ayaa ku guuleysatay kulankii xalay 4-1, iyadoo Chris Smalling, Pogba iyo Romelu Lukaku ay sidoo kale shabaqa soo taabteen.

Mourinho ayaa Zlatan Ibrahimovic kursiga keydka kusoo biloway kulankii ugu horeeyay muddo 7 bilood ah kadib markii uu kasoo laabtay dhaawac jilibka ah.

“Waxaan ku faraxsanahay seddexda dhibcood, tayada waxqabadkayaga ka dib goolka Newcastle, maskaxdu waa mid argagax la’aan ah ayuu yiri Pogba oo la hadlayay saxaafada ciyaarta kadib.

Sidookale Tababare Jose Mourinho ayaa amaanay sida ay durba isku fahmeeen Paul Pogba iyo Nemanja Matic, wuxuuna ku tilmaamay mashiinka dhaqaajinaya kooxdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.