Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Oo Taageeray Amarkii Lagu Joojiyay Dhismaha Dhulka Biyaaso Liibaro

26 total views, 2 views today

Maalin Ka Hor Ayaa Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Waxa Lagu Joojiyay Dhismo Ka Socday Dhulka Biyaaso Liibaro E Degmada Xamar Jajab Halkaas Oo Ay Gacanta Ku Heyso Shirad Dhanka Nadaafada Ka Shaqeysa.

Arrintaas Ayaa Aheyd Mid Dhalisay Xiisad Siyaasadeed Oo Lagu Muransanaa Maamulka Gobolka Banaadir Ee Dhulkaasi Bixisay Sida,Yuusuf Jimcaale Iyo Taabit,Waxana Tallaabada Joojinta Dhulkaas Ka Hadlay Duqii Hore Ee Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

La Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Ee Dhanka Siyaasada Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Ayaa Sheegay In Ay Qalad Aheyd Bixinta Dhulkaas.

Waxa Uu Sheegay In Dadkii Dhulkaasi Bixiyay Ay Ahaayeen Dad Dulmi Waday,Isla Markaana Uu Soo Dhaweynayo Tallaabada Dhulkaasi Dhismihiisa Uu Ku Joojiyay Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.