Maxaabiis laga soo daayay Xabsiyo ku yaalla Hindiya oo Maanta Muqdisho la keenayo.

16 total views, 1 views today

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo xubno katirsan Dowladda Federaalka ayaa wadanka Hindiya kasoo qaaday 77 Maxaabiis Soomaali ah oo dalkaasi ku xirnaa.

Diyaarad gaar ah oo loogu talagalay in lagu qaado maxaabiistaas ayaa ku wajahan Magaalada Muscat ee Caasimadda dalka Cumaan, si kadib ay ugu soo gudbiso Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.

Maxaabiista ayaa ah qeybtii labaad ee laga soo daayo Xabsiyada ku yaalla Magaalada Mumbai ee Caasimadda India, waxayna ku qaateen muddo xabsiyo lagu xukumay.

C/risaaq Faarax Cali (Taano) Danjiraha Soomaaliya ee Cumaan ayaa laanta Afsoomaaliga ee VOA-da u sheegay in Maxaabiistaan ay iska kaashadeen Xeer ilaaliyaha Qaranka, Wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dibadda iyo Safaaradda Soomaalida ee dalkaasi.

Dhanka kale Danjire Taano ayaa sheegay in uu socdo wada hadal lagu doonayo in lagu sii daayo 34 Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran isla wadanka uu Soomaaliya u fadhiyo ee Cumaan.

Falalka lagu heysto Maxaabiistaan waxa uu ku tilmaamay in ay kamid ahaayeen Kooxaha Burcad Badeedda ee ka qowleysta Biyaha Soomaaliya iyo Kuwa Caalamiga ah ee ka baxsan.

Xukunkooda ayuu ku sheegay in uu yahay Xabsi Daan, balse Cumaan Xabsi daainkooda ayuu ku sheegay in uu yahay 25 sano.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay Muqdisho u keentay Maxaabiis Soomaali ah oo muddo ku xirnaa dalka Hindiya, kadib markii ay qaateen Xukunno ay ku ridday Maxkamad ku taalla Mumbai.