Masuuliyiin Xilalka Laga Qaadayo, Madaxda Dalka Iyo Yariisow Oo U Heshiiyay Shaqsiyaad La Tuhmayo…

xog cusub

21 total views, 1 views today

Xog Gaara Oo Ay Heleyso Wakaalada Warqaat.Com Ayaa Sheegeysa In Guddoomiyaha Cusub Ee Gobalka Banaadir Uu Xilalka Ka Qaadi Rabo Guddoomiyeyaal Degmo.

Eng Yariisow Ayaa La Ogaaday In Isaga Iyo Madaxda Dalka Ay Ku Heshiiyeen In Xilalka Laga Qaado Guddoomiyeyaal Degmo Oo Si Weyn U Taageersanaa Thaabit Cabdi Kuwaas Oo La Ogaaday In Ilaa Iyo Hada Uu Xiriir Fiican Kala Dhaxeeyo.

Xarunta Maamulka Gobalka Ayaa Mashquul Badan Laga Dareemayaa Iyadoo Shaqsiyaad Dhalinyaro U Badan Ay U Kala Cararayaan Xilalkaasi, Waxaa Xilalka Ugu Badan La Saadaalinayaa Inay Heli Doonaan Dhalinyaradii Sida Xoogga Leh Kaga Shaqeyneysay Ololihii Doorashada Ee Madaxweyne Farmaajo.

Qaar Ka Mid Ah Guddoomiyeyaasha Cusub Ayaa La Sheegay In Durba La Sii Diyaariyay, Waxaana La Filayaa Ka Hor 8-Febraayo Oo Ah Maalintii La Doortay Madaxweyne Farmaajo In Dhalinyarada Xisbiga Tayo Ay Xilalka Guddoomiyeyaasha Gobalka Qabtaan Si Ay U Abaabulaan Munaasabad Loogu Dabaal Dagayo Sanadguuradii Kasoo Wareegatay Markuu Xilka La Wareegay Farmaajo.

31 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.