Mareykanka oo sheegay in uu dilay xubno ka mid ah AL-shabaab

18 total views, 1 views today

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay dileen labo ka mid ah Xarakaada Al-shabaab sidoo kalena ay dhaawaceen mid kale.

Mareykanku waxaa uu sheegay in weerarkaas uu ka fuliyay Agagaarka Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ee koofurta Soomaaliya.

Warbixinta Mareykanka waxaa lagu sheegay in uu kordhiyay weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab,iyada ooo weerarka Jilib uu yahay midkii 6aad ee Sanadkan uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya.

Mareykanka ayaa  sheegay in weerarrada ka dhanka ah AL-shabaab uu kordhiyay isaga oo intaas ku daray in weerarrada ka dhanka ah Daacish ee gudaha Soomaaliya ay ka yaryihiin kuwa Al-shabaab.

Todobaadkii la doo dhaafay ayuu Mareykanku sheegay in labo weerar oo kale oo noocan ah uu ka fuliyay Soomaaliya,iyada oo Sanadkii tagay ee 2017kii Mareykanak uu Soomaaliya ka fuliyay 34 weerar,taas oo ka badan dhamaan weerarradii Mareynaka ee Soomaaliya tan iyo 2008ddii.