Mareykanka oo sheegay in aan lasoo afjarin baaritaanka dilkii Wariye Kashoggi

556 total views, 1 views today

Xili maalinimadii shalay aheyd hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ay shaaciyeen in ay soo afjareyn baaritaankii dilkii wariyihii dhaliili jiray Boqortooyada Sacuudiga Jamal Kashoggi, ayna ku eedeeyeen dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan in uu bixiyay amarka lagu dilay ayaa hada waxaa war kasoo baxayaa Aqalka Cad ee dalkaasi Mareykanka looga arrimiyo oo sheegaya in aan lasoo gabagabeyn baaritaankaasi.

Warkaani kasoo baxay aqalka cad ayaa waxaa uu daba-joogaa warkii CIA waxaana lagu sheegay in weli Mareykanku go’aan rasmi ah oo kama dambeys ah uusan ka qaadan baaritaanka dilkii wariye Jamal.

Waxay u muuqataa in Aqalka Cad iyo hay’adda sirdoonka Dalkaasi Mareykanka ay kala hadlayaan oo ay isku si u arkin baaritaankaasi.

Mareykanka ayaa dib u gurasho sameynayo maadama dilka wariyaha si toos ah loola xariiriyay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amir Maxamed Bin Salmaan.