Mareykanka Oo Shaaca Ka Qaaday Sir Culus Cida Ku Qasbi Jirtay Marwalka In Weerar Ku Qaadaan Dalka Iiraan…

25 total views, 1 views today

Xoghayihii Hore Ee Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry Ayaa Sheegay In Masar Iyo Israel Ay Mareykanka Ku Caadin Jireen In Uu Bur Buriyo Iraan Ka Hor Heshiiskii Nuclearka Ee 2015kii.

Kerry Waxaa Uu Sheegay In Benjamin Netanyahu Oo Ah Ra’isalwasaaraha Israel Uu Mareykanka Si Aad Ah Ugu Adkeynayay In Heshiiskaas Ka Hor La Galo Iraan Islamarkaana La Bur Buriyo.

Hayeeshee Mareykanka Ayaa Iska Diiday Arrintaas Waxaana Uu Xusay In Waddamada Caalamka Oo Xal Heli Kara Aysan Mareykanka Diyaar U Ahayn In Ay Dagaal Kale Ka Galaan Gobolka Sidaasna Ku Baaqatay Qorshihii Israel Iyo Masar Ee Iraan.

Kerry Ayaa Hadalkiisa Ku Soo Gaba Gabeeyay In Uusan Ogeyn In Iraan Ay Dib U Billaabi Karto Barnaamijka Nuclear-Ka Ah Horumarintiisa 10-15ka Sano Ee Soo Socda Hayeeshee Heshiiskii Ugu Mihiimsanaa Ee Uu Mareykanka Galo Uu Ahaa Kii 2015kii Iraan Iyo Lixda Dal Ee Dunida Ugu Awoodda Badan Wada Qaateen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.