Mareykanka Oo Safiir Cusub U Soo Magacaabay Somalia….

38 total views, 4 views today

(Warqaat.com)—Madaxweynaha Dalka Maraykanka, Donald Trump Waxa Uu U Soo Magacaabay Ambassador Donald Yukio Yamamoto Inuu Noqdo Safiirka Cusub Ee U Joogi Doona Somalia.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto Oo 65-Jir Waxa Uu Hawlaha Diplomaasiyadda Ku Soo Biiray Sannadkii 1980-Kii Waxa Uu Haatan Madax Ka Yahay Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka Ugu Qaabilsan Qaaradda Afrika.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto Oo Noqonaya Danjirihii 14-Aad Ee Maraykanka U Jooga Somalia Waxa Uu Horey U Soo Ahaa Danjirihii Maraykanka U Joogay Dalka Jabuuti Sannadihii 2000 Ilaa 2003-Dii.

Waxa Kale Oo Uu Danjire Ka Soo Noqday Dalka Ethiopia Muddadii U Dhexeysay 2006-Dii Ilaa 2007-Dii.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto Waxa Kale Oo Uu Danjire Ku-Meel-Gaar Ah Ka Soo Noqday Dalka Eritrea Sannadihii 1997-Dii Ilaa 1998-Dii.

Ambassador-Ka Waxa Uu Sanadkii 2016-Kii Ahaa Howl Fuliyaha Xafiiska Ergada Dublumaasiyiinta Mareykanka U Jooga Soomaaliya.

Magacaabistiisa Ayaa Timid, Iyadoo Uu Danjirihii Hore Ee Maraykanka U Joogay Somalia, Stephen Schwartz Iska Casilay Xilkaasi Bishii September 29-Dii Ee Sannadkii Hore Sababo Isaga U Khaas Ahayd.

Ambassador Stephen Michael Schwartz Waxa Uu Xilkaasi Hayey Tan Iyo Bishii June Ee Sannadkii 2016-Kii, Wuxuuna Ahaa Danjirihii Ugu Horreeyey Ee Maraykanka U Soo Magacaabaan Somalia 25 Sanno Kadib, Burburkii Dowladnimo Ee Somalia.