Mareykanka oo AMISOM ku wareejiyay Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

17 total views, 1 views today

Dowladda Mareykanka ayaa Ciidamada AMISOM ee ka howlgalaya Soomaaliya ku wareejisay diyaaradaha waxbasaasa ee aan duuliyaha lahayn.

Munaasibad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa Martin Dale, oo ka socda safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxaa uu Ciidanka AMISOM ku wareejiyay diyaarado aan duuliye lahayn.

Madaxa howlgalka AMISOM sidoo kalena ah wakiilka AU-da ee Soomaaliya Francisco Madeira,ayaa munaasibadda ka sheegay in diyaaradahan ay waqti badan codsanayeen hayeeshee ugu dambeyntii ay ku guuleysteen in ay helaan.

Danjire Francisco Madeira ayaa waxaa uu sidoo kale baaq u diray Waddamada horumaray,waxaana uu ugu baaqay in ay ku daydaan Mareykanka islamarkaana ay iyaguna AMISOM ku taageeraan diyaaradahan oo kale.

Madaxa AMISOM ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM aysan ku filneyn dagaalka Al-shabaab waxaana uu ku baaqay in Ciidamada Soomaalida ah la xoojiyo oo iyaguna la hubeeyo si ay AMISOM garab dhameystiran ugu siiyaah dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhankiisa sarkaalka ka socday Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho  Martin Dale,ayaa sheegay in Mareykanka ay ka go’antahay xasilloonida Soomaaliya iyo in meesha laga saaro waxa uu ugu yeeray argagixisada.