Mareykanka: Madaxda Cusub Ee Soomaaliya Waa Rajada Ugu Wanaagsan Ee Lagu Soo Afjari Karo Dhibaatada Dalka…

23 total views, 1 views today

Inta Lagu Guda Jiray Howlgallada AFIRCOM Ee Soomaaliya, Oo Taageera Ciidamada Wadajirka Ah Ee Geeska Afrika, Kordhinta Weerarrada Maraykanka Ee Ka Dhanka Ah Kooxda Xagjirka Ah Ee Al-Shabaab Ayaa Qayb Ka Ah Dadaalka Lagu Doonayo In Loogu Diyaar Garoobo  Waqtigii Dalka Lagu Wareejin Lahaa Ciidammada Somaliya.

Xukuumadda Cusub Ee Soomaaliya Waxay Dalka Ugu Deeqday Fursaddeedii Ugu Fiicneyd iyo Nabadda Joogtada Ah Ee Jiilka Sidoo Kale Ciidamada Mareykanka Waxay Sii Wadi Doonaan In Ay Dhisaan Ciidamada Maxalliga Ah Si Ay Ula Dagaallamaan Xagjiriinta Islaamiyiinta Ah iyo Taliska Ciidamada Mareykanka Ee Africa Ayaa Sidaas Sheegay Arbacadii.

Siyaasadeena Waa Inaan Taageerno Dadaallada Ay Hoggaaminayaan Soomaalida Ee Ku Dhiirri-Galinaya Xubnaha Al-Shabaab Iyo Dowladda Islaamka Inay Joojiyaan Carqaladeynta  Xukuumadda Soomaaliya Iyo Inay Taageeraan Ayaa Lagu Yiri Qoraal Kasoo Baxay AFRICOM.

Marka Aysan Tani Suurtagal Ahayn, Siyaasadeena Milatari Ee Beegsaneysa Kooxahani Waxay La Socdaan Sharciyada Khilaafaadka Hubeysan Iyo In Ay Taageeraan Hadafyadeenna Ballaaran Ee Lagu Doonayo Xasilloonida Ayaa Lasii Raaciyey.

AFRICOM Ayaa Bishii Soo Dhammaatay Soomaaliya Ka Fulisay Ilaa 9 Duqeyn Oo Luu Geystay Bartilmaameedyo Al-Shabaab Leeyihiin, Waxayna Guud Ahaan Sanadkaan Fuliyeen Ilaa 30 Duqeyn Oo Dhanka Cirka Ah Sida Ay War Saxaafadeedkeedak U Sheegtay.

Ujeedada Maraykanku Waa Inay Dejiso Jawi Ammaan Ah Oo Loogu Talagalay Dadaallada Dibloomaasiyadeed Ee Ballaaran Ee La Xidhiidha Dib-U-Heshiisiinta Qaran Iyo Dhismaha Dawlad Karti Leh, Wakiil Buuxdana Ka Ah Soomaaliya Ayuu War Saxaafadeedka Ku Sheegay Taliyaha AFRICOM Gen. Thomas Waldhauser .

AFRICOM Ayaa Sheegtay In Waxyaabaha Mareykanka Ku Riixayo Dadaaladaan Ay Qeyb Ka Tahay Dareen Ku Aadan In Dowladda Cusub Ee Uu Hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ay Gacan Ka Geysan Karto Mideynta Dalka Soomaaliya Oo Xaalad Dagaal Ku Jiray Muddo 30 Sano Ah.

Madaxwaynaha Dalka Soomaaliya Ayaan Haysta Dhalasho Dalka Mareeykanka Kana Shaqeen Jiray Dalkaa Inta Uusan Noqon Madaxway Naha Somalia Asoo Kazoo Shaqeeyay Qeebo Ay Ugu Horeey So Gaadiidka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.