Man Utd oo diyaar u ah inay iska iibiso Marcos Rojo si ay ula soo wareegto daafac uu jecel yahay Jose Mourinho

27 total views, 2 views today

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa wuxuu doonayaa inuu daafaca reer Argentina Marcos Rojo ka iibiyo kooxda Faransiiska ah ee PSG.

Jose Mourinho ayaana doonaya inuu bedelka Rojo ka dhigo daafaca kooxda Real Madrid Raphael Varane kaasoo ay dib ugu midoobayaan garoonka Old Trafford.

Manchester United ayaa Rojo kaal soo saxiixatay kooxda Sporting Lisbon xagaagii 2014kii, waana daafac boos joogto ah ka heystay kooxihii Louis van Gaal iyo Jose Mourinho.

Laakiin Mourinho ayaa kulamadii ugu dambeeyey keydka dhigay Rojo maadaama uu dhaawacnaa, waxaana booska kala baxay Phil Jones iyo Chris Smalling.

Shabakadda Don Balon ayaana ku warameysa inay Manchester United qorsheyneyso inay iibiso 27 sanno jirkaan, si uu ula soo wareego daafaca kooxda Real Madrid Varane, kaasoo ka mid ah qorsheyaasha suuqa kala iibsiga ee tababare Mourinho xagaaga soo aadan.