Majaladda Marca Oo Ogaatay Sababtii Keentay Inuu Bilowdo Dagaalkii Qolka Lebiska Ku Dhexmaray Man United Iyo Man City!

17 total views, 1 views today

Weeraryahanka Kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimovic Ayaa Waxaa Lagu Yiri ‘Hadalkaagu Wuu Badan Yahay Ficilkaaguna Waa Yar Yahay’ – Waana Sababtii Keentay Inuu Dagaal Taanalka Old Trafford Ku Dhexmaro Ciyaartoyda Man United Iyo Dhiggooda Man City, Sida Warbixin Cusub Ay Sheegeyso.

Weeraryahanka Reer Sweden Zlatan Ibrahimovic Ayaa 15 Daqiiqo Ciyaaray Kulanka Manchester Derby Ee Ay Manchester City Guusha 2-1 Ah Ka Gaartay Deriskeeda Man Unted.

Laakiin Zlatan Wuu Awoodi Waayey Inuu Gool U Dhaliyo Wiilasha Tababare Jose Mourinho, Oo Barbardhac Raadinayey Laakiin Ku Guuldarreystay.

Markii Ay Labada Kooxood Tageen Qolka Lebiska, Ciyaartoyda Iyo Shaqaalaha Kooxda Man City Ayaa Daartay Muusik Cod Dheer Taasoo Keentay Inuu Jose Mourinho Ku Booqdo Qolkooda Lebiska Kana Codsado Inay Ixtiraam U Muujiyaan.

Majaladda Marca Ee Dalka Spain Ayaa Sheegeysa In Xubin Ka Mid Ah Shaqaalaha Tababarka Kooxda Tababare Pep Guardiola Uu Aflagaado Toos Ah U Geystay Ibrahimovic Isagoo Ku Yiri: “Ibra, Adiga Hadalkaagu Waa Badan Yahay, Ficilkaaguna Waa Yar Yahay”.

Warbixintaan Ayaana Sheegeysa Inuu Halkaas Ka Bilowday Dagaalkii Dhexmaray Xiddigaha Man City Iyo Dhiggooda Man United. Xitaa Goolhayaha Sky Blues Ederson Ayaa Kala Tuuray Tababare Mourinho, Halka Romelu Lukaku Uu Dhalo Ku Daqray Caawiyaha Man City Mikel Arteta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.