Magaca iyo darajada Sarkaalkii kooxda Daacish looga dilay gobolka Bari oo la shaaciyey( AKHRISO)…

23 total views, 2 views today

Waxaa Weli Soo Baxaya Faahfaahino Ku Saabsan Duqeyn Habeen Hore Dayuuradaha Maraykanku Ka Geysteen Duleedka Degmada Qandala Ee Gobolka Bari Taasoo Lala Beegsaday Fariisin Kooxda Daacishta Soomaaliya Ku Laheyd Deegaankaasi.

Duqeyntaas Ayaa Waxaa Ka Soo Baxayay Illaa Xalay Warar Sheegaya In Lagu Dilay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Kooxda Daacish, Iyadoo Dowlada Somalia Ay Shaacisay Magaca Iyo Darajada Sarkaalkan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Ing. C/Raxmaan Yariisow Ayaa Sheegay In Duqeyntaas Lagu Dilay Sarkaal Magaciisa La Oran Jiray C/Casiis Guure Ahaa Madaxda Saadka Ee Kooxda Daacish.

Wararka Qaar Ayaa Sheegaya In Goobta Uu Ku Sugnaa Sarkaalkan Oo Ku Dhow Degmada Qandala Lala Helay Gantaal Ay Soo Rideen Mid Ka Mid Ah Dayuuradaha Aan Duuliyaha Laheyn Ee Maraykanka.

Dhowr Dagaalyahan Oo Ka Tirsanaa Ilaalada Sarkaalkan Ayaa Iyana La Sheegay Iney Ku Dhinteen Duqeyntaas Ay Fuliyeen Dayuuradaha Maraykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.