Madaxweyne Xaaf oo Sheegay in ay bilaabayan howlo lagu dhisayo Goobaha uu ku shaqeynayo Maamulka.

20 total views, 1 views today

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay sidii loo dadajin lahaa dhismaha goobaha uu ku shaqeynayo Maamulka Galmudug.

Goobaha howlshaan laga qabanayo ayuu sheegay in ay kamid yihiin Magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo, Caabudwaaq iyo Magaalooyin kale oo ay kamid yihiin kuwa ay Maamulaan Al-Shabaab.

Xaaf ayaa qeybaha kala duwan ee Bulshada ugu baaqay in ay isku howlaan sidii ka qeyb qaadashada bilic soo celinta Magaalooyinka ku jira Gacanta Maamulkaasi.

Waxa uu soo hadal qaaday Dekeda Hobyo iyo Dhismaha Wadooyinka Burbursan oo uu sheegay in ay diiradda Saari doonaan, maadaama wadooyinka isku xira Magaalooyinka Galmudug aanan dib u dayactir helin tan iyo bur-burkii.

Dhanka Dekeda waxa uu tilmaamay in adeegsigeeda Bulshada Galmudug ay muhiim u tahay, waxa uuna tibaaxay in ay qeyb ka qaadaneyso kobaca dhaqaalaha Galmudug iyo isku socodka Ganacsiga.

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar dhowr todobaaad ah ku tagay Deegaanada Galmudug ayaa dhagax dhigay Dekeda Hobyo, isagoona ballan qaaday ka qeyb qaashada Dowladda Madaxweynaha uu ka yahay Hormarinta Deegaanada Galmudug.