Madaxweyne Trump oo lagu qanciyay in Yurub ay yeelato Ciidamo u gaar ah

874 total views, 2 views today

(Warqaat.com)—Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu dambeyntii aqbalay in xulufadiisa reer Yurub ay dhistaan ciidamo Milateri u gaar ah oo ka madaxbanaan ciidamada xulufada gaashaanbuurta NATO.

Trump oo iminka booqasho ku joogo dalka France ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in uu aad kaga xunyahay ciidamada wadamada Midowga Yurub ay doonayaan in iskood ay u dhistaan badalkii ay wada dhisan lahaayeen maadama ay yihiin wadamo is xulufeysta.

Balse hada waxay u muuqataa in Madaxweynaha Fransiiska Macron uu ku qanciyay dhigiisa dalka Mareykanka in ay sameystaan Ciidamo u gaar ah.