Madaxweyne Gaas oo sheegay in Maamulkiisu uu la shaqeynayo Dowladda Federaalka.

19 total views, 1 views today

Khudbad uu ka jeediyey Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Gaas Magaalada Boosaaso waxa uu soo hadal qaaday caqabadaha marwaliba hor yimaada Dowladda, waxa uuna ka maamul ahaan uu taageerayo Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu isweydiiyey Madaxweynaha Puntland, Waxyaabaha had iyo jeer Madaxda dalka looga hor istaago howlahooda, kadine la eedeeyo, cidda isla leh eedda, waxa uuna isugu jawaabay in aysan Dowladda laheyn eedaha loo jeediyo balse dadka kahor yimaada ay leeyihiin.

Madaxweynaha Puntland ayaa dalbaday in lala shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Khilaaf walibane uu xal leeyahay, ka maamul ahaan waxa uu ballan qaaday in la shaqeynayo Dowladda federaalka tan iyo inta uu ka dhamaanayo waqtigeeda.

C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa billo kahor noqday Hogaamiyaha Madasha ay ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka, kadib markii ay isugu tageen Magaalada Kismaayo Madaxda Galmudug, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland oo shirka marti gelisay.

Xiligaasine waxaa socday Xiisado siyaasadeed ee looga soo horjeeday Dowladda federaalka, waxaa sal u ahaa kolkii ay madaxda Dowlad goboleedyada ay la safteen isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka, Halka Dowladda Federaalka ay dhex dhexaad ka noqotay Xiisadahaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.