Madaxweyne Gaas Oo Go’aan Ka Soo Saaray Hantida Saaran Doon Ku Soo Caarisay Xeebta Boosaaso

24 total views, 1 views today

Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ayaa Ku Amray Wasaaradda Maaliyadda Maamulkaas In Aan Wax Canshuur Ah Ka Qaadi Karin Hantida Saran Doon Ku Soo Caarisay Xeebaha Magalada Boosaaso.

Shirka Khamiislaha Ee Golaha Wasiirada Puntland Ee Maanta Ayaa Laga Soo Saaray Go’aanka Ah In Aan Wax Lacag Ah Laga Qaadin Doontaas,Waxaana Madaxweyne Gaas Uu Sidoo Kale Uu Ammaan Iyo Bogaadin U Jeediyay Dadka Dadaalada Ku Bixinaya Sidii Loo Badbaadin Lahaa Hantida Saran Doontaas.

Haatan Waxaa Socda Dejinta Hantida Saran Doonta,Iyada Oo Shacabka Magalada Boosaaso Iyo Maamulka Ay U Dhiseyn Dekada Macmal Ah Taa Soo Hadda Dejinteeda Ay Ka Socoto.