Madaxweyne Farmaajo “Waxaan Bedelnay Dhaqan Siyaasadeedkii Horay U Jiri Jiray”

25 total views, 3 views today

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/Llaahi Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeedinayay Munaasabaddii Lagu Daah Furayay Dib Ula Soo Wareegida Maamulka Hawada Soomaaliya Ayaa Sheegay Inay Bedeleen Dhaqan Siyaasadeedkii Horay U Jiray.

Madaxweynaha Ayaa Sheegay Inay Ku Guuleysteen In Dowladda Dhexdeeda Ay Ka Ilaaliyaan Wixii Khilaaf Iyo Is Qab Qabsi, Isagoo Tilmaamay Inay Wax Ka Barteen Wixii Horay Dalka U Soo Maray.

“Waxaan Bedelay Dhaqan Siyaasadeedkii Horay U Jiray, Wax Alla Wixii Khilaaf Ee Dowladda Dhexdeeda Ahaa In La Joojiyo, Waxaa Ognahay In Sanad Walba Waxaa Jiri Jiray Runtii Khilaaf Dalka Dib U Dhiga, Dowladda Dhexdeeda Waa Ka Ilaalinay, Anaga Ugu Horeeyo Iyo Ra’iisul Wasaaraha Iyo Xukuumadiisa Inaba Wax Haba Yaraatee Wax Is Qab Qabsi Ah, Taasna Waa Bedelnay, Umadda Soomaaliyeed Waxaa U Sheegeynaa Inaan Wax Ka Bedelnay Wixii Horay U Dhacay Ee Dhibaatada Inoo Keenay”Ayuu Yiri Madaxweynaha.

Sidoo Kale Madaxweynaha Ayaa Sheegay In Wax Ka Bedeleen Dhaqankii Horay U Jiray Ee Ahaa Qofka Mas’uulka Ah Inuu Matalayo Qaran Oo Aanu Mataleyn Qabiil, Isla Markaana Xafiiskiisa Uu Muujiyay Inuu Qaran Matalayo.

Madaxweynaha Ayaa Sidoo Kale Sheegay Inay Diiradda Saarayaan Sidii Loo Xoojin Lahaa Dimoqraadiyadda, Dastuurkana Loo Dhameystiri Lahaa, Si Loogu Diyaar Garoobo In Dalka Ay Ka Dhacdo Sanadka 2020 Doorasho Qof Iyo Cod Ah, Taasoo Uu Xusay In Aaminsan Yahay In La Gaari Karo.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Ayaa Sheegay Inay Ka Shaqeynayaan Sidii Ay Uga Cibro Qaadan Lahaayeen Waxa Alla Wixii Dalka Uga Halaabay, Sidaas Darteedna Aanu Marna Dib Loogu Laaban Casharadii Wax Laga Bartay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.