Madaxweyne Farmaajo Oo Saakay U An Babaxaya Imaaraatka Iyo Xog Ku Aadan U Jeedka Safarka…

23 total views, 1 views today

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Ayaa Maanta Lagu Wadaa In Ay Safar Ku Tagaan Dalka Imaaraatka Carabta.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya Maanta Ku Tagayo Dalka Imaaraaka Carabta Ayaa Noqonaya Kii Labaad Uu Dalkaasi Ku Tago Tan Iyo Markii Xilka Loo Doortay Farmaajo, Safarka Maanta Ayaana Ah Mid Ka Duwan Kii Hore Kuna Soo Aaday Xili Xasaasi Ah.

Madaxweynaha Ayaa Marka Uu Tago Imaaraatka Carabta La Kulmi Doona Madaxda Dalkaasi, Waxa Uuna Kala Hadli Doonaa Xoojinta Xariirka Labada Dal Iyo Sidoo Kale Xal Ka Gaarida Xiisada Khaliijka Oo Saameysay Soomaaliya.

Sida Aan Wararka Ku Helnay Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Madaxda Imaaraatka Carabta Kala Xaajoon Doona Arimo Badan Ay Kamid Yihiin Xoojinta Xariirka Labada Dal Ee Mudooyinkii Dambe Sii Xumaanayay.

Dowlada Imaaraatka Ayaa Mudooyinkii Dambe Taageero U Fidineysay Mucaaradka Dowlada Soomaalia Iyo Sidoo Kale Madaxda Maamul Goboleedyada, Waxaana Shirkado Imaaraatka Leeyihiin La Wareegeen Dekaddo Kuyaala Dalka Iyada Oon Dowlada Lasoo Ogeysiin.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.