Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusa Mareeb.

16 total views, 1 views today

Warar ay heshay Warqaat.Com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu maanta tagayo Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Safarka Madaxweynaha ee Dhuusa Mareeb waxaa ku wehliya Xubnaha uu kamid ah yahay Madaxweynaha Galmudug, Xildhibaanada Labada Aqal ee laga soo doortay Galmudug, Saraakiil iyo xubno kale.

Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xubnaha ku wehliya Safarkiisa Galmudug ayaa Saacadihii lasoo dhaafay Gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb.

Ammaanka Magaalada ayaa la sheegayaa in sare loo qaaday, iyadoona Garoonka Diyaaradaha Dhuusa Mareeb ay ku sugan yihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM loosoo Gaabiyo, si ay u sugaan Amniga Madaxweynaha, kagana qeyb qaataan Safarada dhanka dhulka ah uu Dhuusa Mareeb kadib ku tagi doono deegaano badan.

Qorshaha u Gudbidda Wafdiga Madaxweynaha ee Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa ah Dhameystirka Heshiiska ay wada galeen Galmudug iyo Ahlu Sunna, si kadib uu safaro dhanka Lugta ah ugu tago Magaalooyinka:- Guriceel, Caabud waaq iyo Cadaado oo qorshe safarkiisa ugu jiray.

Xalay kulan Gaar ah ayuu Magaalada Gaalkacyo kula qaatay Madaxweynaha Galmudug, Xildhibaanada labada Aqal, Odoyaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

La soco wixii kasoo kordha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.