Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Ku Sii Jeeda Dal Ku Yaalla Galbeedka Qaarada Afrika….

25 total views, 2 views today

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/Llaahi Farmaajo Ayaa Lagu Wadaa Inuu Maanta Ka  Ambabaxo Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya, Isagoo Ku Sii Jeeda Dalka Galbeedka Qaarada Afrika Ku Yaalla Ee Ivory Coast.

Farmaajo Iyo Wafdiga La Socda Ayaa Halkaas  Kaga Soo Qeyb Gali Doono Shir Uga Furmaya Madax Ka Kala Socota Dalalka Afrika Iyo Yurub.

Shirkan Ayaa La Sheegay In Looga Hadli Doono Guud Ahaan Xaalada Siyaasadeed Mid Dhaqaalo Iyo Dhinaca Amniga Ee Wadamada Africa Waxaana Qodobada Diirada Lagu Saarayo Ka Mid Ah Arrimaha Soomaaliya.

Masuuliyiin Ka Tirsan Dowlada Somalia Ayaa Sheegay In Shirkan Taageero Loogu Muujin Doono Howlgalka Milateri Ee Dowladu Ku Dhawaaqday Iney Dalka Kaga Sifeynayso Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo Ayaa Lagu Wadaa Inuu Shirkaas Ka Jeediyo Khudbad Ku Saabsan Xaalada Soo Hagaageyso Ee Soomaaliya Iyo Dhibaatada Al-Shabaab Ay Ku Heyso Bulshada.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo Ayaa Shalay Magaalada Nairobi Kaga Qeyb Galay Munaasabada Caleemo Saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta Oo Xilkaas Loo Dhaariyey Afar Sano Oo Kale, Isagoo Ka Mid Ahaa Madax Afrikaan Ah Oo Lagu Casuumay Munaasabadaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.