Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geeridii Nabadoon Axmed Diiriye

19 total views, 1 views today

Madaxweynaha JFS  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun

“Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Nabadoon Axmed Diiriye oo xalay ku geeriyoday Muqdisho.ilaahay ha u naxariisto Nabadoon Axmed Diiriye, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tegey.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ahaa Afhayeenkii Odayaasha Dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye, kaas oo si weyn looga yaqiinay guud ahaan Soomaaliya.