Madaxweyne Farmaajo Oo Degdeg Ugu Dhoofay Turkiga, Maalin Kaddib Markii Uu Ka Soo Laabtay Masar….

21 total views, 2 views today

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/Llaahi Farmaajo Ayaa Maanta Ka Dhoofay Magaalada Muqdisho, Maalin Kaddib Markii Uu Dib Ugu Soo Laabtay, Waxaana Madaxweynuhu Ku Sii Jeedaa Dalka Turkiga.

Madaxweynaha Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Ayaa Turkiga Kaga Qeyb Galaya Shir Degdeg Ah Oo Ay Isugu Imaanayaan Madaxda Dalalka Ku Mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Agaasimaha Warfaafinta Iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed Oo Ka Warbixiyey Safarka Madaxweynaha Ee Dalka Turkiga Ayaa Sheegay In Safarkan Uu Salka Ku Hayo Arrimaha Ka Soo Kordhay Magaalada Barakeysan Al-Qudus Iyo Sidii Dalalka Muslimka Ah Ay Go’aan Mideysan Uga Qaadan Lahaayen Arrinkan.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Waxaa Uu Ka Qeyb-Galayaa Shirka Qudus Oo 6dii Bishaan Uu Ku Dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan Si Madaxda Islaamka Ee Ku Mideysan OIC Ay Isula Gorfeeyaan Go’aanka Madaxweyne Trump Ee Magaalada Qudus Uu Ugu Aqoonsaday In Ay Caasimad U Tahay Israaiil.”

Agaasimaha Waxa Uu Sheegay In Shirku Uu Bilaabanayo Maalinta Arbacada Ah Iyadoona La Filayo In Ay Ka Soo Qeyb-Galaan Madax Iyo Wufuud Ka Socota 57da Dowladood Ee Xubnaha Ka Ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

“Soomaaliya Waxa Ay Ka Mid Tahay Dalalka Dhidibada U Taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas Daraadeed Waxaa Lagama Maarmaan Ah In Aan Kaalinteenna Ka Qaadano Go’aan Ka Gaarista Arrimaha Nagu Xeeran Ama Ku Soo Kordha Dalalkan Aan Bahwadaagta Nahay.”

Sidoo Kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Waxa Uu Sheegay In Tallaabadani Ay Daba Socoto Bayaankii Ay Soo Saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya Ee Lagu Taageerayey Xuquuqda Dowladnimo Ee Dadka Reer Falastiin Iyo In Magaalada Qudus Ay Tahay Mid Qiimo Gaar Ah U Leh Dunida Islaamka.

Safarka Madaxweynaha Ayaa Noqonaya Kii Saddexaad Oo Muddo Saddex Todobaad Gudahood Uu Dalka Uga Dhoofo, Iyadoo Maalintii Shalay Ay Aheyd Markii Uu Ka Soo Laabtay Dalka Masar, Waxaana Safarada Badan Ee Madaxweynaha Uu Galay Ay Ka Hor Imaanayaan Hadaladii Ololihiisa Doorasho, Kaasoo Waxyaabaha Madaxdii Isaga Ka Horeeyay Uu Ku Dhaliilayay Ay Aheyd Safarada Badan, Isla Markaana Isaga Uu Bedeli Doono Dhaqankaas, Hase Ahaatee Waxaa Uu U Muuqdaa Inuu Ku Socdo Wadada Madaxdii Hore Ee Safarka Badnaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.