Madaxweyne Farmaajo Oo Deeq Xasan Ku Soo Kordhiyey Madaxtooyada Iyo Xilka Loodhiibay…

23 total views, 1 views today

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/Llaahi Farmaajo Ayaa Mas’uul Cusub Ku Soo Kordhiyay Madaxtooyada, Kaasoo Loo Magacaabay Inuu Noqdo Kaaliyaha Gaarka Ah Ee Madaxweynaha.

Madaxweynaha Ayaa Jago Cusub Oo Ah Kaaliye U Magacaaba Nin Lagu Magacaabo Deeq Xasan Oo Ka Yimid Dalka Mareykanka, Isla Markaana Ka Mid Ahaa Wafdigii Madaxweynaga Uga Horeeyay Degmada Caabudwaaq.

Magacaabida Kaaliyaha Gaarka Ee Madaxweynaha Ayaa Waxaa Ka Dambeeyay Agaasime Ku Xigeenka Madaxtooyada C/Qaadir Shoole Oo Mas’uulkan Cusub Kula Kulmay Nairobi, Iyadoo Ay Isu Dhow Yihiin Madaxweynaha.

La-Taliyeyaasha Iyo Madaxweynaha Soomaaliya Ee Faraha Badan Iyo Xubnaha Ka Howlgala Madaxweynaha Ayaa Hadda Tiro Ahaan Ku Dhow Golaha Wasiirada, Waxayna Madaxtooyada Ka Mid Tahay Meelaha Ugu Badan Ee Miisaaniyadda Dowladda Ay Ku Baxdo Shaqaalaha.