Madaxweyne Farmaajo oo balan qaad usameeyay Dagaalamayaasha Al-Shabaab

18 total views, 1 views today

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale baaq udiray dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee diidan Dowladda iyo Joogitaanka Ciidanka Amisom ee Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada Xooga dalka ay udiyaar garoobeen sidii gacanta Dowladda loogu soo celin lahaa deegaanada Maqan, Shacabka ayuu dhankooda sheegay iney taageero la garab taaganyihiin Ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Waxa uu Farmaajo balan qaaday in la siinayo daganaansho kuwa isa soo dhiibaya, Sidoo kalena ay heli doonaan Daryeel wanaagsan hadey iska daayaan Fikrada ku dhisan Isdilka sida uu Yiri.Waxa uu usheegay in la marin habaabiyay hadana ay ubanaantahay si ay uhelaan Nolo Karaamo iyo Xushmo iney Hubka dhigaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabadii lagu furayay Xarunta lagala soconayo Maamulka hawada Somaliya oo shalay xariga uu ka jaray, waxaana laga soo wareejiyay Magaalada nairobi oo ay gacanta ku heysay ay’ada ICAO.

Waa markii labaad uu Madaxweyne Farmaajo balan qaad usameeyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, 6-dii Bishii April sanadan 2017 ayuu Madaxweyne Farmaajo cafis laba bil ah siiyay Al-Shabaab, xiligaas waxaa la soo magacaabay Taliyayaashii Nabad Sugida, Booliska iyo Milatariga oo uu ku dhawaaqayay in dalka Xaalad dagaalka Kujiro.

Deegaano badan oo kamid ah Koofur Galbeed gaar ahaan Bardaale iyo Diinsoor ayaa waxaa iska soo dhiibay dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab iyo Saraakiishooda sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta Koofur Galbeed Ugaas Xasan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.