Madaxweyne Farmaajo Iyo Taabid Oo Kulankooda U Horeeyay Yeelanaya

11 total views, 1 views today

Warar Lagu Kalsoonaan Karo Oo Laga Helay Ilo Kala Duwan Ayaa Sheegaya In Lagu Wado In Caawa Kulan Yeeshaan Madaxweyne Farmaajo Iyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Ee Xilka Laga Qaaday Taabid Cabdi Maxamed.

Sida Ay Sheegayaan Wararka Waxaa Xalay Illaa Shalay Socday Kulamo La Isugu Soo Dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo Iyo Taabid, Waxaana Dadaaladaas Waday Wasiirka Amniga Ducaale, Xildhibaano Iyo Odayaal.

Inkastoo Qeyb Ahaan Meesha Ka Baxday Xiisadii Ka Jirtay Gobolka Banaadir, Hadana Waxaa La Xalin Wadadii Loo Maray Xil Ka Qaadistii Lama Filaanka Aheyd Ee Lagu Sameeyay Taabid, Kaddib Markii Khilaaf Uu Soo Kala Dhex Galay Isaga Iyo Madaxda Dowladda.

Wararka Ayaa Sheegaya In Taabid Diyaar U Yahay La Kulanka Madaxweyne Farmaajo, Iyadoo Aan La Ogeyn Inuu La Shaqeyn Doono Iyo In Kale Kooxda Ku Wareegsan Madaxweynaha Oo La Rumeysan Yahay Inay Ahaayeen Saaxibo Dhow Oo Soo Wada Shaqeeyeen

Kulanka La Filayo Inay Yeeshaan Taabid Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Maalin Ka Hor Safar Gobolada Dalka Uu Ku Tagay Ka Soo Laabtay Ayaa Noqonaya Kii U Horeeyay Ee Ay Yeeshaan, Kaddib Xil Ka Qaadistii 21-Kii Bishan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.