
44 total views, 1 views today
Madaxweyne Ku-Xigeenkii Hore Ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwe Ayaa Lagu Wadaa In Saacadaha Soo Aadan Uu Ku Laabto Magaalada Harare, Isagoo Loo Diyaarinayo In Loo Dhaariyo Xilka Madaxweynaha Zimbabwe Ka Dib Iscasilaaddii Robert Mugabe.
Mnangagwe Ayaa U Baxsaday Dalka Koonfur Afrika Labo Todobaad Ka Hor, Ka Dib Markii Mugabe Uu Xilka Ka Qaaday, Maanta Ayuuna Dalkiisa Ku Laabanayaa.
Xisbiga Talada Haya Ee ZANU-PF Ayaa Mnangagwa U Doortay Inuu Noqdo Madaxweynaha Xisbiga, Waxaana Sidoo Kale Lagu Wadaa In Uu Noqdo Madaxweynaha Zimbabwe Kadib Markii Uu Xilka Ka Dagay Robert Mugabe Oo Dalkaas Maamulayay Muddo 37 Sano Ah.
Afhayeenka Xisbiga Ayaa Sheegay In Ninkan Oo 71 Jir Ah Uu Dhamaysan Doono Mudada Xilka Uga Dhimanayd Mugabe Oo Ah Illaa Bisha Sebtembar Ee Sanadka 2018-Ka, Xiligaas Oo La Qaban Doono Doorashooyinka Guud.
Waxaa Lagu Naaneysaa (Yaxaaska), Waxayna Ugu Baxday Fikirka Laga Qabo Ee Ah Inuu Yahay Nin Arxan Daran “Anaga Oo Wadajirna Ayaa Waxaan Xaqiijineynaa Inaan Adkeyno Dimoqoraadiyada” Ayuu Yiri Isagoo Waraysi Siinayay Wargeyska Newsday
Sida Uu Qabo Dastuurka, Madaxweynaha Kumeelgaarka Ah Waxaa Qabanaya Madaxweyne Ku Xigeenka, Hase Yeeshee Kan Hadda Jooga Phelekesela Mphoko Ayaa Loo Arkaa Inuu Xulufo La Yahay Xaaska Mugabe.
Be the first to comment