Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan Oo Ku Tilmaamay In Qudus Ay Tahay Caasimadda Falastiin

23 total views, 1 views today

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirkii Aan Caadiga Aheyn Ee Maanta Isugu Yimaadeen Madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka Ayaa Ugu Baaqay Hoggaamiyeyaasha Dalalka Muslimiinta In Qudus U Aqoonsadaan Caasimadda Xoogga Lagu Heysto Ee Falastiin.

Erdogan Ayaa Sheegay In Go’aanka Mareykanka Uu Qudus Ugu Aqoonsaday Inay Tahay Caasimadda Israel Uu Yahay Mid Waxba Kama Jiraan.

“Ma Ahan In Aan Aqbalno In Mareykanka Uu Door Ku Yeesho Geedi Socodka Nabadda. Waxay Caddeeyeen In Ay Si Buuxda Ugu Xaglinayaan Dhanka Israa’iil,” Ayuu Ka Sheegay Shirka.

Madaxweyne Erdogan Ayaa Mar Kale Ku Tilmaamay Inay Israel Ay Tahay Dalka Argagixisada, Waxaana Mar Kale Weeraray Ficilka Israa’iliyiinta Kula Dhaqmaan Carruurta.

Falastiniyiinta Ayaa Sheegay In Bariga Magaalada Qudus Ay Tahay Caasimadadooda.

Israel Ayaa Hada Maamusha Dhamaan Magaalada Barakeysan Ee Qudus, Horay Waxaa U Maamuli Jirtay Urdun, Balse Israel Ayaa Qabsatay Intii Uu Socday Dagaalkii Bariga Dhexe Ee 1967-Dii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.