Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Oo War Deg Deg Ah Kasoo Saaray Xafiiskiisa [AKHRISO]

14 total views, 1 views today

War laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa looga hadlay arin aad loo hadal hayey Saacadihii lasoo dhaafay.

Waxaa la sheegay in si kulul Madaxweynaha u Cambaareeyey Dagaalka kasoo cusboonaaday Deegaano dhaca Gobolka Sanaag.

Mudane Biixi ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalkaasi oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac badan ah laga soo sheegay inuu geystay.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Biixi inuu ka codsanayo waxgaradka Beelaha ku dagaalamaya Ceel Af weyn inay Xaalada qaboojiyaan.

Waxa Dagaalkaasi ka dhacay Gobolka Sanaag la sheegay inay ku dhinteen 20 Qof dad kabadan waxaana jira dhaawacyo intaasi ka badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.