Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Golihiisa Wasiirada

21 total views, 1 views today

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Goor Dhoweyd Magacaabay Golihiisa Wasiirada Cusub Oo Ay Ka Dhex Muuqdaan Xubno Cusub.

Wasiirada La Magacaabay Ayaa Gaaraya 23 Wasiir Iyo 9 Wasiir Kuxigeen, Waxaana Afar Ka Mid Ah Ay Ka Tirsanaayeen Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo.

Dr. Sacad Cali Shire Ayaa Mar Kale Ku Soo Laabtay Xilkiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Halka Yaasiin Faratoon Oo Xukuumaddii Siilaanyo Ka Ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Ayaa Loo Magacaabay Wasiirka Waxbarashada Iyo Sayniska

Madaxweyne Muuse Biixi Ayaa Soo Magacaabin Wasiirka Madaxtooyada Iyo Wasiirka Duulista Hawada Oo Loo Badinayo Inuu Dib Ka Soo Magacaabi Doono.

Magacaabida Golaha Wasiirada Cusub Ee Somaliland Ayaa Ku Soo Aaday Maalin Kaddib Markii Madaxweyne Muuse Biixi Uu Xilka La Wareegay, Lana Dhaariyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.