DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Maanta Xilka Loo Dhaariyay…

20 total views, 1 views today

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Loo Dhaariyay Xilka Madaxtinimada 5-Ta Sano Ee Soo Socota, Isagoo Si Raxmi Ah Xilka Ugala Wareegay Madaxweynihii Hore Axmed Maxamed Siilaanyo.

Munaasabad Ka Dhacday Madaxtooyada Hargeysa Ayaa Waxaa Ka Qeyb Galay Marti Sharaf Kala Duwan Oo Kala Socday Dowladda Jabuuti, Wafdi Ka Socday Dowladda Federaalka Itoobiya, Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, IGAD, Xubno Ka Socday Sida Safiirka Midowga Yurub Iyo Safiirka UK U Fadhiya Soomaaliya.

Waxaa Sidoo Kale Munaasabadda Xil Wareejinta Ka Qeyb Galay Marti Sharaf Kale Oo Ka Yimid Dalka Dibaddiisa.

Ammaanka Magaalada Hargeysa Iyo Nawaaxiga Madaxtooyada Ee Ay Xaflada Ka Dhaceysa Ayaa Si Aad Ah Loo Adkeeyay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Iyo Kuxigeenkiisa C/Raxmaan Saylici Ayaa Loo Dhaariyay Xilka, Waxaana Si Rasmi Ah Xilka Loogu Wareejiyay.

Axmed Siilaanyo Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Ayaa Sheegay Inuu Xilka Uga Tagayo Madaxweynaha Bedelaya, Dal Leh Calan, Dowlad Iyo Caqiido, Isagoo U Rajeeyay In Xilkiisa Alle Ku Guuleeyo.

Madaxweynihii Hore Dahir Rayaale Kaahin Ayaa Dardaaran U Jeediyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland, Isagoo Ugu Baaqay In Aanay Jirin Cid Shaatigiisa Gishata Oo Ay Wakiil Ka Noqoto.

Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Muuse Biixi Ayaa Balan-Qaaday Inuu Ka Shaqeynayo Sinnaanta Iyo Cadaaladda, Isla Markaana Uu Xoogga Saarayo Wax Soo Saarka.

Waxaa Uu Sheegay In In Xaflada Caleema Saarka Shantii Soomaaliyeed Cid Ka Maqan Ay Tahay Soomaaliya Kaliya, Isagoo Xusay Inay Rajeynayeen Inay Ka Soo Qeyb Galaan Iyagoo Aqoonsan Somaliland.

Sidoo Kale Waxaa Uu Ugu Baaqay Dowladda Soomaaliya Inay Isku Tashtaan Oo Ay Soomaaliya Ku Daydaan.

Ugu Dambeyn Munaasabadda Caleema Saarka Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galin Xisbiyada Mucaaradka, Sida Musharaxii Xisbiga Waddani C/Raxmaan Cirro Oo Horay U Sheegay Inuu U Tanaasulay Dadka Iyo Qaranka Somaliland, Kaddib Markii Uu Horay U Qaadacay Natiijada Doorashadii Uu Ku Guuleystay Muuse Biixi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.