Madaxweynaha Somalia Oo Maanta Tagaya Magaalada Hobyo

19 total views, 1 views today

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha Dowlada Somalia oo xalay ilaa shalay ku sugnaa magaalada Caabud-waaq ee G/Galgaduud ayaa maanta lagu wadaa inuu tago Magaalda Hobyo.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagaayo Magaalada Hobyo, ayaa wuxuu la xiriira sida ilo lagu kalsoonyahay Ay Warqaat.Com  U Sheegeen dhagax dhigida dhismaha Dakadda magaalada Hobyo oo maamulka Galmudug ay si wayn u daneynayaan.

Wafdi Xildhibaano iyo Senetaro isugu jira ayaa gaaray shalay Magaalada Hobyo si ay halkaasi ugu sii diyaariyaan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa loo sameynaayo.

Safarka Madaxweynaha uu maanta ku tagayo Magaalada Hobyo, kadib ayuu Madaxweynaha wuxuu tagi doonaa Magaalada Cadaado, si loo qanciyo Bulshada degta Magaaladaasi oo tabasho qabta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.