Madaxweynaha Puntland Gaas Oo Magaalada Addis Ababa Kula Kulmay Raisul Wasaare Desaglen

22 total views, 2 views today

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Oo Booqasho Ku Jooga Dalka Ethiopia Ayaa Shalay Gelinkii Danbe Kulan Kula Yeeshay Magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Mr. Haile-Mariam Desaglen.

Labasa Masuul Ayaa Waxa Ay Kawada Hadleen Xoojinta Xidhiidhka Qotada Dheer Ee Ka Dhexeeya Soomaaliya, Iskaashiga Ganacsi Ee Labada Dhinac, Amaanka Iyo La Dagaalanka Kooxaha Argagixisada Ah Ee Al-Shabaab Iyo Daacish.

Sidoo Kale Madaxweynaha Puntland Iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia Ayaa Waxa Ay Kawada Hadleen Arrimo La Xiriira Xuduudda Puntland Iyo Dalka Ethiopia Gaar Ahaan Costume Ka Tuur-Dibi Kaasoo In Muddo Ah Ay Kawada Labada Dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mr. Haile-Mariam Desaglen Ayaa Dhankiisa Cadeeyey Inay Diyaar U Yihiin Xoojinta Xidhiidhka Taariikhiga Ah Ee Ka Dhexeeya Soomaaliya Iyo Ethiopia Gaar Ahaan Puntland, Waxa Uu Xusay Ra’iisul Wasaare Haile-Mariam In Ay Puntland Ay Ka Gacan Siinayaan Soo Afjaridda Argagixisada Al-Shabaab Iyo Daacish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.