Madaxweynaha Jabuuti oo loo magacaabay hoggaamiyaha dalxiiska Caalamka

30 total views, 2 views today

Warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub ayaa Maadxweynaha Dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle loogu magacaabay hoggaamiyaha Dalxiiska Caalamka.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Ismaaciil loo doortay xilkan kaddib markii Hay’adda dalxiiska Midowga Yurub ay aragtay go’aanka Madaxweynaha Jabuuti ee horumarinta Dalxiiska.

PR.com,ayaa warisay in siyaasadda Madaxweynaha Jabuuti ee la xiriirta Dalxiiska ay ka dhalatay aragtida horumarinta Dhaqaalaha iyo dalxiiska iyo yareynta Faqriga.

Warqaddan lagu magacaabay Madaxweynaha Dalka Jabuuti waxaa saxiixay Prof. Anton Caragea, oo ah madaxweynaha Golaha Midowga Yurub iyo Mircea Constantinescu,oo ah agaasimaha Mac-hadka dalxiiska Midowga Yurub.

Warqaddan ayaa lagu sheegay in midowga Yurub markii uu qiimeeyay siyaasadaha horumarinta dalxiiska Jabuuti,warbixin uu Bangiga adduunka ka diyaariyay dalkaasi laguna sheegay in Dalka Jabuuti uu ka adkaaday Faqriga islamarkaana uu ka mid noqday shanta dal ee caalamka oo dhan dhaqaalahooda xawliga u koryao 2018ka ay midowga Yurub garteen in Ismaciil Cumar Geelle loo magacaabo Hoggaamiyaha dalxiiska Caalamka