Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay Sh.hoose

21 total views, 1 views today

Madaxweynaha Dowlad Goboleeeka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabaweyne oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyo Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C.qaadir Craxmaan Baraf Oo labaduba Qarax lagula eegtay Duleedka Garoonka Balidoogle ku geeriyooday.

Madaxweynaha Hirshabelle oo ku hadlayay afka goleyaasha Dawaladda Hirshabelle ayaa tacsi udiray Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Hirshabelle, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, Baarlamaanka, iyo qoysaskii ay Ka ka baxeen marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax iyo Marxuum Xildhibaan Cabdiqadir Baraf oo ka mid ahaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana ahaa Wasiiru dowlaha Amniga.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun, Aad baan uga naxay marka aan maqlay Dhimashada Xildhibaan Kabaweyne, waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Hirshabeelle waxaa ay Xildhibaan ku lahayd dadkii shalay ku dhintay weerarkii ka dhacay duleedka Degmada AFgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.