Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Dadaal Ugu Jira Sidii Loo Ansixin Lahaa Golihiisa Wasiirada

21 total views, 1 views today

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Ayaa Dadaal Ugu Jira Sidii Golihiisa Wasiirada Codka Kalsoonida Uga Heli Lahaayeen Xildhibaanada, Kaddib Markii Shalay Uu Dib Ugu Laabtay Magaalada Jowhar.

Madaxweyne Waare Ayaa Xalay Kulamo La Lahaa Xildhibaanada Hirshabeelle, Waxaana Uu Kala Hadlay Sidii Ay U Ansixin Lahaayeen Golaha Wasiirada, Sidoo Kale Kulamada Waxaa Qeyb Ka Ahaa Odayaasha Dhaqanka.

Kulamada Uu Waday Madaxweyne Waare Ayaa Waxaa Qeyb Ka Ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Iyo Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle, Waxaana Rajo Laga Qabaa In La Meel Mariyo Golaha Wasiirada

Wararka Ayaa Sheegaya In Maalmaha Soo Socda Lagu Wado In Golaha Wasiirada Cusub Ee Hirshabeelle Ay Hor-Tagaan Baarlamaanka, Si Codka Kalsoonida Loogu Qaado.

Dhamaadkii Bishii Hore Ayay Aheyd Markii Madaxweyne Waare Uu Ku Dhawaaqay Gole Wasiiro Cusub Oo Aanay Ku Jirin Xildhibaanada Baarlamaanka, Waxaana Arrintan Ka Soo Horjeestay Xildhibaanada Qaar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.