Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay….

22 total views, 1 views today

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hor Kacayo Ayaa Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib  Markii Ay Kasoo Qayb Galeen Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka Ee Lagu Qabtay Dalka Turkiga.

Madaxweynaha Iyo Wafdigiisa Ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ku Soo Dhaweeyay Mas’uuliyiin Ka Kala Socotay Golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Uu Horkacayay Madaxweyne Farmaajo Ayaa Turkiga Waxa Ay Ugaga Soo Qeybgaleen Shir Deg-Deg Ah Oo Ay Isugu Yimaadeen Madaxda Dalalka Ku Bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka( OIC ), Kaasoo Uu Ku Baaqay Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan Kadib Markii Uu Madaxweynaha Dalka Maraykanku Ku Dhawaaqay In Magaalada Qudus Ay Tahay Caasimada Israa’iil.

Kulankan Ayaa Waxaa Lagu Taageeray Dowlada Falastiin Iyadoo Wadamadii Ka Qeybgalay Oo Kor U Dhaafayay 50 Wadan Ay U Aqoonsadeen Bariga Magaalada Qudus In Ay Tahay Caasimada Falastiin.

Intii Uu Ku Sugnaa Madaxweyne Farmaajo  Magaalada Istanbuul Ee Dalka Turkiga Waxa Uu Kulamo Gaar Gaar Ah La Yeeshay Qaar Ka Mid Ah Madaxdii Shirkaasi Ka Qayb Gashay, Iyadoo Ay Hoggaamiye Walba Ka Wada Hadleen Xoojinta Xiriirka Waddamadooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.