Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifitaax Al Siisi Oo Fariin U Muuqata Hanjabaad U Diray Dowladaha Itoobiya Iyo Sudan….

30 total views, 1 views today

Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifitaax Al-Siisi Ayaa Si Adag Uga Hadlay Biyo Xireenka Ay Dowlada Itoobiya Ku Sameeneyso Biyaha Wabiga Niil , Waxa Uuna Madaxweynaha Fariin Adag U Diray Dowladaha Itoobiya Iyo Sudan.

Cabdifitaax Al-Siisi Ayaa Sheegay In Biyaha Wabiga Nile-Ku Ay Masar Uga Dhigan Yihiin Geeri Iyo Nolol, Isla Markaana Aan La Taaban Karin, Isaga Oo Ka Hadlayey Biyo Xireenka Ay Ethiopia Dhawaan Sameysay.

”Biyaha Wabiga Niil Waxa Ay Nooga Dhigan Tahay Geeri Iyo Nolol, Waxaan Idinka Codsanayaa In Aad Is Dejisaan , Biyaha Ilaahay Ayaa Abuuray, Cidna Shaqo Kuma Leh, Kumanaan Sano Ayey Sidaasi Ahaayeen” Ayuu Yiri Al Sisi

Waxa Uu Sheegay Madaxweynaha Masar In Arinta Wabiga Niil Uu Kala Hadlay Madaxweynaha Dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir Iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Haila Mariam Daselegne.

Hadalka Madaxweynaha Masar Ayaa Imaanaya Xili Uu Bur Buray Wadahdalo Biyaha Waaiga Niil Ku Saabsanaa Oo U Dhaxeeyay Dowladaha Masar, Sudan Iyo Itoobiya, Waxaana Laga Cabsi Qabaa In Arintan Ay Xiisad Ka Dhalato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.