Madaxda Siyaasada Soomaalida oo lays kugu geeyey Xerada Xalane, Beesha Caalamka u yeertay & Xaaladda Tukaraq oo laga hadlayo

18 total views, 1 views today

Hogaamiyaasha dawladda Faderaalka iyo Hogaamiyaasha dawlad gobaleedyada ayaa hadda looga yeeray Xarunta Xalane ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaas oo ay uga qeybgalayaan kulan deg deg ah oo ay iskugu yeertay beesha Caalamka, loogana hadlayo arrimaha Ammaanka iyo xaaladdaha soo kordhay.

Hogaamiyaasha Soomaalida ee kusugan madasha waxaa kamid ah Madaxweynayaasha dawlad gobaleedyada, dawladda Faderaalka iyo Lataliyaasha Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Warar ku dhaw dhaw kulanka ayaa sheegay in ay Beesha Caalamku muujin doonto welwelka ay ka qabto xaaladdaha dhanka Ammaanka ah, gaar ahaana dhinaca Sool oo ay isku hayaan Puntland & Somaliland.

Ergada caalamiga ah waxay ku guuldareysteen in ay joojiyaan ama hoos u dhigaan Xiisadda Tukaraq oo ahayd midii ugu adkeyd, waxaana aan wali cadeyn halka loo jiheysanayo qorshahaas.

Wariyaasha ayaa loo diiday ka qeybgalka shirkan oo ah mid xasaasi ah, waxaa diirada la saari doonaa sidaas oo kale Arrimaha ku aadan doorashada la filayo Soomaaliya ee 2020-ka, kaas oo ay Beesha Caalamku ilgaar ah ku hayso.

Xiisadda Tukaraq waa mid ay hadda Beesha Caalamku aad uga walaacsan tahay, waxaana suuragal ah in labada maamulba loo soo jeediyo in ay kala qaadaan ciidamada ay iskugu geeyaan goobahaas, inkastoo ay Somaliland diiday in ay ka baxdo Tukaraq kal hore