Madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabelle Oo Isku Khilaafsan Magacaabista Golaha Wasiirada…

18 total views, 2 views today

Wararka Ka Imaanaya Magaalada Jowhar Ee Xarunta Maamulka Hirshabelle Ayaa Sheegaya In Madaxda Maamulkaasi Ay Wali Isku Khilaafsan Yihiin Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub Uu Maamulkaasi Yeelanayo.

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Kulan La Qaatay Kuxigeenkiisa Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Ayaa Dhoor Mar Isku Fahmi Waayay Magacaabista Golaha Wasiirada, Waxaana Khilaafka Xoogiisa Ka Taagan Yahay Tirada Wasiirada Laga Dhigayo.

Madaxda Hirshabelle Ayaa Sidoo Kale Isku  Heesta Cida Kamid Noqoneysa Golaha Wasiirada, Waxaana  Nin Walbo Doonayaa Xubno Isaga Ku Dhaw Dhaw In Ay Kamid Noqdaan Golaha Wasiirada Hirshabelle.

Waxaa Sidoo Kale Madaxweynaha Hirshabelle Caqabad Ka Heesataa Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle Kuwaa Oo Iyana Doonaya In Ay Ka Dhax Muuqdaan Golaha Wasiirada Cusub .

Madaxweyne Waare Ayaa Horey Ugu Balan Qaaday Xildhibanao Badan Oo Doorashada Ku Taageeray In Wasiirada Ku Dari Doono, Hasa Ahaatee Waxaa Hada Soo Baxaya In Waare Doonayo In Xildhibaanada Ku Yareeyo Golaha Wasiirada.

Sidoo Kale Madaxweyne Waare Ayaa Doonaya In Wasiirada Uu Ka Dhigo Tiro Ka Yar 20-Wasiir, Waxaana Taa Ku Diidan Kana Soo Horjeeda Madaxweyne Kuxigeenka Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.

Madaxda Maamulka Hirshabelle Ayaa Wali Kulamadooda Ka Socdaan Magaalada Jowhar, Waxaana Suurto Gal Ah In Magacaabista Ay Dib U Dhacdo Hadii Madaxda Hirshabelle Ka Heshiin Waayaan Magacaabista Golaha Wasiirada.

Wasiiradii Hore Ee Maamulka Hirshabelle Waxaa Aad Ugu Badnaa Xildhibaanada Maamulkaasi, Waxaana Hada Adkaan Doonta In Xildhibaano Badan Wasiirada Laga Reebo Taa Oo Caqabad Ku Noqon Karta Madaxweynaha Hirshabelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.