MACSALAAMA CONTE: Abramovich Oo Doortay Tababarihii 12aad Ee Chelsea Tan Iyo 2004tii

17 total views, 1 views today

Chelsea Ayaa Ku Adkeysaneysa In Luis Enrique Uu Yahay Bedelka Saxda Ah Ee Tababare Antonio Conte.

Wargeyska The Sun Ayaa Sheegaya In Conte Uu Kala Hadlay Arimo La Yaab Leh Oo Ku Saabsan Mustaqbalkiisa Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich.

Tababare Enrique Wuxuu Noqon Doonaa Tababarihii 12aad Ee Kooxda Chelsea Qabta Tan Iyo Markii Uu Iibsaday Milkiile Roman Abramovich.

Tababarihii Hore Ee Talyaaniga Conte Oo 48 Sanno Jir Ah Ayaa Doonaya Inuu Dhameysto Qandaraaskiisa Stamford Bridge, Laakiin Waxa Uu Heli Doonaa 9 Milyan Oo Ginni Oo Guno Ah Marka Laga Ceyriyo Shaqadiisa.

Enrique Oo 47 Jir Ah Ayaa Ka Maqan Shaqada Tababarnimo Tan Iyo Markii Uu Ka Tagay Nou Camp Xagaagii Hore.

Xaaladiisa Shaqo La’aanta Ah Ayaa Ku Qasbeysa Inuu Aqbalo Dalabka Kaga Imaanaya Milkiilaha Russia Abramovich.

Inkastoo Enrique Ku Raaxeystay Sannado Badan Kooxda Barcelona, Haddana Waxaa La Fahamsan Yahay Inuu Dhibaato Kala Kulmi Karo Kubadda Cagta Ingiriiska.