MacalinKa Kooxda Manchester United Jose Mourinho Oo Diyaar U Ah Inuu Afar Ciyaartooy Kusoo Daro Kooxdiisa Bisha Janaaayo(Yaakamida)…

19 total views, 1 views today

Jose Mourinho Ayaa La Siin Doonaa Lacag Uu Kula Soo Wareego Afar Saxiix Oo Waa Weyn Xagaaga Soo Socda, Sida Ay Sheegayaan Wararka Maanta Ay Qorayaan Wargeysyada England.

Manchester United Ayaa Ku Dhowaad 150 Milyan Oo Ginni Ku Qarash Gareysay Xagaagan Suuqa, Iyadoo Lasoo Wareegtay Romelu Lukaku, Victor Lindelof Iyo Nemanja Matic.

Jose Mourinho Ayaa Si Cad U Sheegay Inuu Doonayo Gareth Bale Oo Real Madrid Ah Iyo Ivan Perisic Oo Katirsan Kooxda Inter Milan.

Sidookale Antoine Griezmann Ayaa Kujira Ciyaartooyda Lala Xiriirinayo Kooxda Manchester United, Inkastoo Atletico Madrid Ay Dalbaneyso Lacag Weyn.

Wargeysyada Isboortiga Ayaa Si Weyn Kaga Hadlaya Mustaqbalka Mourinho Ee Old Trafford, Laakiin Waqti Hore Tababaraha Portugal Ayaa Bilaabay Inuu Ka Fakiro Qorshaha Suuqa Kooxdiisa.

Waxaa La Sheegayaa In Bale Iyo Griezmann Ay Weli Kujiraan Liiska Ciyaartooyda Uu U Baahan Yahay Tababare Mourinho, Waxaana Lagu Soo Waramayaa Inuu U Diyaariyay Labada Xiddig Ee La Liga Ka Ciyaarta £ 136milyan.

Warbixinta Ayaa Sidoo Kale Sheegeysa In Daafaca Kooxda RB Leipzig Emil Forsberg Iyo Xiddiga Valencia Carlos Soler Ay Kujiraan Liiska Ciyaartoyda United Kaga Baahan Tahay Suuqa Kala Iibsiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.